Share the post "Kala Qeybsanaan Garabyada Kooxda Argagixisada Shababka Miyeey Horseedi Karaan Burbur…"
Xuuraano loo qaateen ah & iyo falanqaynta macluumaadka lagu daabacay mareegaha taageera kooxda Argagixisada Shabaabka ayaa daaha ka rogaaya kala qeybsanaan weyn oo xagga fikirka ah ay horjoogayaasha kooxda ka dhex jirto, Kala qaybsanaantan ayaa horseeda iney ka dhashaan isku dhacyo dhiig badan ku daato…
Cadeymaha dheeraadka ah ee kala qeybsanaantaasi ayaa laga arki karaa go’aanada howlgalada ee Horgalada & Maleeshiyaadka Shabaabka, Degaanada qaarkood oo ay maamulaan kooxda ayaa u muuqata iney joojiyeen weeraradii ay ku hayeen fariisimada Ciidamada Dowladda, taasoo muujinaysa inuu jiro khilaaf gudaha ah, Dhanka kale waxaa aad u soo kordhaaya isku dhacyada dhiiga badan ku daata una dhaxeeya Maleeshiyaadka daacada u ah Horjoogaha Kooxda iyo Kuxigeenkiisa, talabaadaan oo muujinaysa inuu sii wiiqmaayo Awooda Maleeshiyo ee ururka dhexdiisa.
Khilaafka Afkaarta iyo Howsha ayaa muujinaaya inuu gaabis iyo curyaamin ka dhex jiro Garabyada ku tartamaya gacan ku haynta Dhaqaalaha, Baada, jihada iyo xeeladaha dagaal gelinta kooxda, Kala qaybsanaantu waxay ka iman kartaa kala duwanaanshaha mudnaanta, qoondaynta kheyraadka, ama jawaabaha cadaadiska dibadda oo ay ku jiraan tallaabooyinka ka hortagga argagixisada ee Xoogaga Gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Kala qaybsanaantan ayaa ragaadisay awoodii Kooxda laheyd, iyadoo la xaqiijiyay in Buuraha Calmiskaad awood ay uga soo saarern Kooxda Daacishta Somalia, Talaabooyinkaan ayaa waxey shaki gelinayaan isku duubnidii iyo wadajirka Hogaanka iyo Maleeshiyaadka Shabaabka ee mustaqbalka dhow, Ururkaan kala qaybsan waxay u badan tahay inay la kulmaan caqabado ku aadan ilaalinta saamayntooda iyo fulinta hawlgallada la isku dubariday, Jahwareerkan gudahooda ah, waxaa laga yaabaa iney ka faa’iideystaan Ciidamada Dowlada Federaalka iyo Xoogaga Hubeysan ee Degaanada si looga faa’iidaysto baylahda kooxda oo loo dhimo awoodeeda ay khatar ku keeni karta Dowlad dhiska Dalka.