Dowlada Federaalka Oo loogu Deeqay Helikoptaro, Gaadiid Dagaal iyo Noocyada Hubka iyo Rasaasta..

Somalia news

Ilo wareedyo Amaan ayaa xaqiijinaaya in Dowladda Federaalka ayaa heshay deeq shixnad diyaarado nooca Helicopter-ka ah oo noocoodu yahay Bell 412, iyo qaar kale oo hub iyo Saanad, si ay u xoojiso dagaalka ay kula jirto kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab…

Wararka ayaa sheegaya in Shixnadaan ay ka kooban tahay 2-Diyaaradood oo nooca Qumaatiga u kaca (Helicopters), kuwaasoo laga soo dejiyay bishii Luuliyo ee sanadkaan, halka 3-kale lagu wado in dhawaan Dalka la keeni doono, Bell 412 waa helikobtar Matooro mataano leh oo loo isticmaalo ujeedooyin kala duwan, oo ay ku jiraan daabulka Gaadiidka Ciidamada, Daadgureynta iyo gurmadka Caafimaadka, goobida iyo samatabbixinta Dhaawacyada. Waxaa lagu tiriyaa inay tahay diyaarad la isku halleyn karo oo ku habboon in ay ka shaqeyso degaan qallafsan ee sida Somalia.

Marka laga soo tago diyaaradaha helicopter-ka ee Bell 412, Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale bilihii la soo dhaafay heshay deeq hub badan oo cusub, waxaana ka mid ah Hoobiyaha 120/mm hoobiyeyaal, tiro badan qoryaha lidka diyaaradaha ee Zu-23, iyo hub kale oo culus. Kuwaasoo ay ku deeqeen dawladaha isbahaysiga ah, Bishan Janaayo, Mareykanka ayaa ku yaboohay 9-Millions US$ oo gargaar milatari oo cusub si loogu caawiyo ololaha socda ee ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Maamulka Mareykanka ayaa sidoo kale qorsheeyay inuu ugu yaraan 100 gaadiidka dagaalka ah gaarsiiyo Somalia si ay u taageeraan dagaalka ka dhanka ah Shabaabka iyo ka hortagga saameynta Dowladaha UAE, Sacuudiga iyo Turkiga ee ku soo kordheen dalka.

271780cookie-checkDowlada Federaalka Oo loogu Deeqay Helikoptaro, Gaadiid Dagaal iyo Noocyada Hubka iyo Rasaasta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com