Kala Shakiga Garabyada Maamulka Ee Dhanka Amaanka

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa muujinaaya in Garabyada Amaanka Ee Maamulka Farmaajo ay kula qeybsameen iney si wadajir ah looga hortago, iyadoo Banaanbixii Shalay ay ka soo dhex muuqdeen Garabka Farmaajo (Xijaar iyo Adeege Fahad) halka Garabka Kheyre iyo Saadaq John aan lagu arkin kahortaga dibad baxyadii ka dhacayay Muqdisho…

Ilo wareedyo ayaa tilmaamay in Xafiiska Raisal Wasaare Xasan Cali Khayre uu raali ka ahaa sii socoshada banaanbaxyada rabshadaha wataa, kadib markii Maamulka Amaanka Muqdisho Mr.Farmaajo uu u gacan geliyay kooxdiisa Adeege Fahad iyo Mr.Xijaar (Hasheegin), waxaana shaki ku jirin inuu jiro khilaaf hoose oo kala dhaxeeya labada Garab.

Saadaq John oo ah Horjooge daacad u ah hirgalinta siyaasada R/w Khayre ayaa ka baaqsaday inuu ka hortago mudaraadka ama shacabka dajiyo maadama ay Mas’uuliyada ka saran tahay sugida Amniga Caasimada, taas badalkeed waxaa doorkaas qaatay Mr.Xijaar oo taageero ka raadiyay Duqa Maqaar saarka ah ee Muqdisho.

Taageerayaasha Kooxda R/W Khayre Ee u qaabilsan Naaf inta barabagaanka day baraha bulshada ayaa lagu arkayay kuwa ku faraxsan siisocoshada dibad baxyada iyo gubida Sawirada Madaxweynaha ee lagu xardhay wadada.

Gubista Sawrika Farmaajo iyo Fariinta Shabcka:-

In Sawirka Madaxweyne Farmaajo maalin lagu gubo Muqdisho waay ka dhigan tahay khaladaad laga fursan karay oo la ogolaaday inay dhacaan. Inkastoo labada jawaab ee labada dhacdo ee isku midka ah kala duwan yihiin, waxay haddana caddeyn u yihiin fashil dhinaca ciidamada ah oo lagu guuleysan waayey in la xaliyo ama haddii si kale loo yiraahdo in Boliiska Somalia ay Maamulka Farmaajo uu ka dhigtay midkii ugu asluub liitay markii ay ka buuxisay nabadsugid iyo dhalinyaro aan u qalmin, iyagiina aan laga dhisin hab-la-dhaqanka Shacbiga iyo Ilaalinta Dastuurka, Sharciga iyo Nidaamka.

Waxaa kaloo xusid mudan in Maamulka Gobolka Banaadir uu maqaar-saar iska yahay sida kuwii ka horeeyay, wax awood ahna aanu lahayn, iyadoo Maamulka Gobolka uu ka amar qaato Adeege Fahad iyo Mr.Xijaar oo ka mid ah Garabka Farmaajo, waxeyna toos uga talinayaan iyadoo aanu waxna laga weydiin, saameyna aanu ku lahayn maamulka G/Banaadir.

Waqtiga yar ee Madaxweyne Farmaajo u haray haddii aanu maareyn Maleeshiyaadkiisa, kana fogaan tallooyinka iyo falalka ka horkeenaya shacabka, oo ay wadaan Adeege Fahad iyo Xijaar, waxaa xaqiiqo ah in xilliga u haray uu ku dhammeysan doono madax xanuun joogto ah iyo khaladaadkiisa oo galaafta waxqabadkiisii iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed.

30080cookie-checkKala Shakiga Garabyada Maamulka Ee Dhanka Amaanka