Ma Dhabaa in 2-dii Mashruuc ee ka mid ahaa Kaabayaasha dib u dhiska Dalka ay Joojiyeen Kooxda Shababka

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Horjoogayaasha kooxda Shababka oo bilihii ugu dambeeyay sare u qaaday ololaha dhibaateynta Shacbiga ayaa la sheegay iney gebi ahaan joojiyeen 2-ba Mashruuc oo muhiim u ahaa Kaabayaasha dhaqaalaha Dalka…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in todobaadyadii ugu dambeeyay ay joojiyeen dhismaha Laamiga isku xira Jowhar & Muqdisho, kaasoo dhismihiisu gaaray meel bilow ah iyo Laamiga isku xiraya Afgooye & Muqdisho, kaasoo ilaa hadda shaqo la qabtay, balse hareeraha laamigii weynaa harsanaa.

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegay in Maamulkii Farmaajo oo kaashanaaya Wadaado Wahaabiya ah iyo Sirdoonada Qatar iyo Turkiga ay khidmad baad ah siin jireen Horjoogayaasha sare ee Kooxda kuwaasoo fududeeyay in aan culeys la saarin dhismaha wadada, balse hadda joojiyeen Shirkadii heysatay Qandaraaska kadib markii lagu wargeliyay.

Labada mashruuc ayaa hadda u joogsaday sababo la xariira xagga Amniga, markii ay diideen in la dhiso kooxaha Argagixisada ah, dhawaan Hogaanka DFS iyo Hey’adaha Amaanka ayaa lagala hadlay sugida amniga mashaariicdan, balse waxey ka gaabiyeen iney dhageystaan Talooyinka Shirkadda Qandaraaska heysata.

212920cookie-checkMa Dhabaa in 2-dii Mashruuc ee ka mid ahaa Kaabayaasha dib u dhiska Dalka ay Joojiyeen Kooxda Shababka