Kenya Oo Burburisay Xarun Isgaarsiineed..

Politics

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn xalay saqdii dhexe diyaarad dagaal oo ay leedahay Kenya ka fulisay xarun Is-gaarsiineed ay shirkadda isgaarsiinta ku leedahay gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo…

Duqeynta oo aheyd mid aargudasho ah ayeey Kenya si gaar ah ugu bartilmaameedsatay degaanka Xiisa Guur oo 20-KM u jira magaaladaasi.

Mid ka mid ah sarakiisha ciidanka dowladda ee ka howlgala Ceelwaaq ayaa VOA u sheegay in ilaa 11 Gantaal lala beegsaday xarunta shirkadda Hormuud, islamarkaana uu haatan socdo baaritaano ku aadan khasaaraha ka dhasahy weerarkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka shacabka ah ay la soo daristay cabsi ku aadan waxyeelo ka soo gaarta duqeyntaasi,

Kenya ayuu sidoo kale ku eedeeyey inay ku soo xadgudubtay dhulka Soomaaliyeed, wuxuuna ku goodiyey inay jawaab deg-deg ah ka bixin doonaan arrintaasi.

Illaa iyo hadda wax hadal ah kama soo bixin dowladda dhexe iyo Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi lala eegtay xarunta Hormuud oo ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

19600cookie-checkKenya Oo Burburisay Xarun Isgaarsiineed..