Dabley Dil Ka Geysatay Muqdisho..

Politics

Wararka naga soo gaaraya Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya dabley hubaysan inay dil ka gaysteen degmadaasi…

Koox Bistoolado ku hubaysan ayaa toogtay Marxuum lagu magacaabi jiray Cabdiwaaxid Muxumed Yarow oo ka mid ahaa dadka ku nool Degmada Dharkiinley.

Kooxda Shabaabka ayaa sheegatay mas’uuliyada dilkaasi waxayna sheegeen Cabdiwaaxid uu ka mid ahaa Shaqaalaha Baarlamaanka Somaliya sidaasina ay ku toogteen.

Dilkaan ayaa waxaa gaystay amniyaadka Shabaab oo ka baxsaday goobtii dilka ay ka gaysteen, waxaana goor dambe halkaasi gaaray Ciidamada ammaanka Somaliya.

Degmada dharkiinley ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku soo badanaayay falalka amnidarada ah ee halkaasi ay ka gaystaan Shabaab.

19570cookie-checkDabley Dil Ka Geysatay Muqdisho..