Kenya Oo Cadaadis Lagu Saaray Iney Dadaalo..

Politics

Maamulka Havana ayaa cadaadis xoogan waxeyna ku saarayaan Kenya iney Oggolato, sidii wada hadalo loo la yeelan lahaa Kooxda Shabaabka isla markaasna madax furasho looga bixin lahaa 2-da Dhakhaatiir…

Assel Harrera iyo Landy Rodriguiz ayaa ku dhowaad hal sano afuub ahaan loogu heysataa Konfurta Somalia, iyadoo Dowlada Cuba ay ku adekeysatay iney dib u hesho Muwaadiniinteeda, Madaxada labada dal ayaa kulamo badan oo wada tashi ah ka yeeshay Arrimaha afduubka dhakhaatiirta.

Maamulka Uhuruu ayaa ku adkeystay ineysan xiligaan diyaar u aheyn iney Dhaqaale ku bixiyaan furdaaminta xaalada labada Dhakhtar, waxeyna cadaadis xoogan kala kulmayaan Dowladaha Mareykanka iyo UK.

Sikastaba Ha ahaatee, la-heystayaashaan ayaa lagu hayaa degaano ka tirsan Gobolada Gedo iyo Bay, isla markaasna ay bad-qabaan, inkastoo afduub loo heysto, waxaana la sheegay in marba degaan cusub la geeyo si loo raad tirto.

19720cookie-checkKenya Oo Cadaadis Lagu Saaray Iney Dadaalo..