Ma Ka Run ah in Magaalada Nairobi lagu Kulansiinayo Xasan Sheekh & Daniga Puntland Maxaase laga Filan Karaa…

Somalia news

iyadoo Khilaafka u dhaxeeya Maamul Goboleedka Puntland iyo Hogaanka Dowlada Federaalka uu gaaray heerkii ugu hooseeyay ayaa waxaa soo shaac baxaaya Fariimo is-diidan oo dhinacyadaan Warbaahinta isu marinayaan iyo Dadaalo gaabis ah oo la iskugu keenaayo dhinacyadaan laga qaban qaabinaayo magaalada Nairobi…

Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Khudbadiisii Ciidul Fidriga mar kale ku celiyay in Maamulkiisu uusan oggolaan doonin wax u dhimaaya Midnimada iyi Madax-banaanida Somalia, wuxuuna intaasi raaciyay inuusan ka soo horjeedin Heshiisyada ay wada galaan Maamulada qaarkood iyo Ethiopia, isagoo sidoo kale ku adkeystay inuu Sanadka 2026-ka qaban doono Doorasho Qof iyo Cod inkastoo aysan muuqan ifafaalo ka marqaati kacaaya dhawaaqiisa,

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Howl-hagaha arrimaha Safaarada (Chargé d’Affaires) USA ee Mogadishu Shane L. Dixon ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda uu magaalada Nairobi kula kulmi doono Hogaamiyaha Maamul-Goboleedka Puntland Saciid Dani oo haatan ku sugan magaalada Dubai, waxaana lagu wadaa inuu halkaasi ku kulansiiyo Madaweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Mr.Deni Halka Ganacsato Beesha Madaxweynaha ay isku xil saareen heshiisiinta Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Shacbiga Soomaaliyeed ayaa ku jah-wareersan Maangaabnimada Kooxaha Siyaasada camalka ka dhigtay kuwaasoo dagaalkooda danta khaaska ah ku dhisan uu la degay Nabadeynta & xoojinta Amaanka Dalka isla markaaana dhiiri geliyay Kooxaha argagixisada iney dib uga soo kabtaan khasaaraha lagu gaarsiiyay dagaalka lagula jiro, Siyaasiyiintaan ayaa lagu xantaa iney u nugul yihiin Saraakiisha Wakiilada Beesha 6-aad ee fashigoodu yahay Garoonka Diyaaradaha iyi xarunta Xalane..

320540cookie-checkMa Ka Run ah in Magaalada Nairobi lagu Kulansiinayo Xasan Sheekh & Daniga Puntland Maxaase laga Filan Karaa…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *