Share the post "Kenya Oo Dib U Xaqiijisay Xiriirka Somalia, Iyadoo Hogaanka Somaliland Uu Booqasho Aamusan Ku Tagay Nairobi.."
Sida ka muuqatada taxadarka iyo xisaabinta diblomaasiyadeed ee ay ka leedahay Geeska Afrika, Kenya waxay cadeysay iney aqoonsan tahay madax-bannaanida Somalia, si la mid ah markii madaxweynaha la doortay ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu Nairobi ku yimid safar shaqo oo ay huwan yihiin muuqaalo aamusan, balse ku dahaaran qorshe-siyaasadeed oo muhiim ah…
Booqashadan oo ay maamulka Somaliland ku tilmaameen mid “Istaraatijiyad Diblomaasiyadeed” ayaa ku soo beegantay maalmo ka dib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta Kenya ay soo saartay laba war-murtiyeed oo rasmi ah oo ay Nairobi ku cadaynayso iney ixtiraamayso madax-bannaanida dhuleed ee Somalia, isla markaana ay si cad iskaga fogaysay wax kasta oo la xiriira in xafiiska Somaliland ee Nairobi uu leeyahay maqaam diblomaasiyadeed oo rasmi ah.
Iyadoo Maamulka Somaliland ay diyaariyeen Guri Kiro ah oo dhaqaale badan uga baxay sidii Safaarad looga dhigi lahaa oo Mr,Cirro Xariga uga jari lahaa Xafladaasi inkastoo howlahaan oo dhan la qabtay iyadoo aan fasax iyo oggolaasho laga helin Maamulka Ruto ee Kenya, talaabadaan ayaa horseeday in Mr.Cirro uu waji gabax kala kulmo safarkii ugu horeeyay ee uu ku tago magaalada Nairobi intii uu qabtay Xilka Maamulka Gooni goosadka.
“Kenya waxay si aan leex leexad lahayn u aqoonsan tahay awoodda Dowladda Federaalka ah ee Muqdisho inay tahay hay’adda keliya ee sharciga ah ee mas’uulka ka ah maamulidda arrimaha Soomaaliya,” ayay wasaaraddu tiri, iyadoo u adeegsanaysa mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan Axdiga Qaramada Midoobay iyo Sharciga Dastuuriga ah ee Midowga Afrika.
Farriintan laba-track ah ayaa timid iyadoo ay jiraan xiisado dhawaa Horaantii bishan, ilo-wareedyadu waxay xaqiijiyeen in Muqdisho ay si rasmi ah uga cabatay qorshayaasha Maamulka Hargeysa ee loogu dabbaaldegayo madax-bannaanideeda 18-ka May ee Nairobi, Xafladda ayaa si aamusan loo baajiyay kadib markii ilo dibloomaasiyadeed la soo hadal qaaday iyo warqad rasmi ah oo la sheegay inuu gudbiyay ergayga Kenya ee Somalia, Ambassador Kubai Iringo.
Kenya weli kama tanaasulin iney adeegsati surinada qaloocan ee dublamaasiyadeed. Waxa ay cadeysay iney doonayso iney sii wado xiriirka is-dul saaran ee ay la leedahay Maamul goboleedyada Jubaland iyo Somaliland, iyadoo carabka ku adkeysay in wada-shaqeynta noocan oo kale ah ay dhici doonto iyadoo lala tashanayo dowladda Federaalka iyo taageerada nabadda, ganacsiga iyo xasilloonida Gobolka.