Dil Ka Dhacay Duleedka Balanbale

Somalia news

Deg-Deg: Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa jid-gooyo loo dhigay Kolonyo gadiid ah oo ka yimid Dhanka Balanbale Ee Gobolka Galguduud ayaa sheegay in lagu dilay afar (4) Nin oo ka soo jeeda Beesha Mariixaan kuwaasoo u socday Magaalada Balanbale…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in lagu diley degaanka Balihood kadib markii jidka loo galey xili ay ka tageen Magaalada Dhuusa mareeb ee gobolka Galgaduud.

Dadkaan ayaa la sheegay in loo diley aano qabiil waxaana rasaas huwiyey malayshiyo hubaysan oo jidka u galey meel duleedka ka ah degmada Balanbale.

Xildhibaan Mahad Kilic oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug soo jeeda Beesha Mariixaan Ee Degmada Balanbale ayaa eedeyn u jeediyay Beesha HG, isagoo ku Eedeeyay iney ka dambeeyaan dilkaan, wuxuuna sheegay in Magaalada Dhuusa mareeb aysan noqon karin Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

77640cookie-checkDil Ka Dhacay Duleedka Balanbale