Share the post "Kenya Oo Digniino ka soo Saartay Dabeylo Xoogan & Kacsanaanta Hirarka Badda.."
Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Xafiiska saadaasha Hawada ee Dalka Kenya oo digniino ka soo saaray dabeylo xoogan oo khasaare geysan kara iyo Kacsanaanta Hirarka Badda oo la filaayo iney ka dhacaan 15-Degmo Maalmaha soo aadan..
Wararka ayaa sheegaya in La-talintoodii ugu dambeysay ee saadaasha Cimilada, Waaxda hawada ee Kenya ayeey kaga digtay iney dhici karaan dabeylo xoogan iyo mowjado waaweyn oo keeni kara khasaare ballaaran iyo khalkhal badeed badda lixda maalmood ee soo socota, iyadoo Kaluumeysatada lagu wargeliyay ineysan ku fududaan iney Badda galaan.
Talooyinka digniinaha xambaarsan ee la baahiyay Jimcihii 13-ka Juun, ayaa lagu shaacayay in dabaylaha xoogani ay dumin karaan saqafyada, rujin karaan geedaha, oo ay sababi karaan burbur qaabdhismeedka Guryaha, Sidoo kale, Khubarada Cimilada ayaa qeylo dhaan ka muujiyay mowjadaha waaweyn, kuwaasoo saameyntooda ay ka mid tahay iney khasaare balaaran u geystaan kooxaha Dabatada isla markaasna ay carqaladeyn karaan howlaha Kaluumeysiga.
Waaxda Hawada waxey soo saartay Degaanada laga cabsi qabo iney dhibaatada ka dhici karaan kuwaasoo kala ah Waqooyi-Bari, Waqooyi-Galbeed, iyo Koonfur-Bari dhul-hoosaadka inay yihiin degaanada ay sida weyn u saamaynayso xaaladaha cimilo-xumada, kuwaasoo haysta 33 ilaa 66% fursadda inay dhacaan, waxaana ka mid ah Degaanada Lamu, Kilifi, Mombasa, Kwale, Tana River, Taita Taveta, Marsabit, Turkana, Samburu, Isiolo, Mandera, Wajeer, Garissa, Kitui, iyo Makueni.