Hanaanka Garsoorka Dalka Adeeg-xumida & Cadaalad darrada ay Shacbiga ka Tirsanayaan

Somalia news

Hanaanka Garsoor ee Dalka ayaa laga soo bilaabo sanadihii 60-kii wuxuu ku sifoobay mid taag darran oo tayadiisu hooseyso, waxaana u dheer cadaalad darro ku tagrifal awoodeed, iyadoo ay la dageen Musuqmaasuq iyo Eex, taasoo ugu damveyntii ka dhigtay mid aan la isku haleyn karin Garsoorna loo raadsado kooxaha Argagixisada…

Maxkamadaha qaada dembiyada iyo kuwa madaniga, ayaa noqday suuq beeciisu furan yahay waqtigaan, waxeyna indhahaagu qabanayaan Dalaaliin macaash doon ah oo u adeegaaya Garsoorayaasha kuwaasoo u xagliya una xukuma Qofkii ay dhaqaale badan ka qaataan.

Talaabadaan ayaa waxey niyad jab xooggan ka qaadeen qaar ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaasoo marka aad la kulanto kuu sheegaya in ay dhibane u yihiin nidaamka garsoorka dalka, iyadoo Hay’adaha kala duwan ee Garsoorka ka shaqeeya, ay mararka qaar eeddeyn iyo xarig isugu dara shaqsi aan lagu sameyn baaritaan dheer, waxaana muddo kadib dhacda in qofkii lagu waayo dembi lana soo daayo, iyadoo aan la siinin wax magdhaw ah.

Si kastaba Maamulka cusub ee Villa Somalia oo aan horey looga baran inuu ehel u yahay Cadaalada iyo Garsoorka, ayaa looga fadhiyaa inuu dib u habeyn ballaaran ku sameeyaan Nidaamka Garsoorka Dalka, isla markaasna qaado lagu joojinaayo in Garsoor iyo Cadaalad loo raadsado kooxaha argagixisada.

213680cookie-checkHanaanka Garsoorka Dalka Adeeg-xumida & Cadaalad darrada ay Shacbiga ka Tirsanayaan