Kenya Oo Hakad Galisay Duulimaadyadii Muqdisho..

Politics

Shirkadda Diyaaradaha ee Jambojet oo ka mid ah Shirkaddaha tiki dhaaf ugu qiimaha hooseeyay (Low-cost) ee dalka Kenya waxa ay ku dhawaaqeen inay joojiyeen gebi ahaan duulimaadyadii Garoonka Calaamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxa Guud ee Fulinta ee Shirkadda Jambojet, Allan Kilavuka oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay Go’aankaasi qaateen, kadib, markii loo diiday inay Diyaaradahooda Duullimaadyo Subaxnimo ah ku yimaadaan Garoonka Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Maamulayaasha Soomaalida ku guul-daraysteen inay Shirkadda siiyaan Ballanqaad ku aadan Duullimaadyada Aroornimo ee ay kaga soo degi karaan Garoonka Muqdisho.

Diyaaradaha Shirkadda Jambojet waxa u qorsheysnaa inay Garoonka Jomo Kenyatta ka soo duullaan 6-da aroornimo, si ay uga soo degaan Garoonka Muqdisho iyo inay Diyaaradda dib ugu laabato Nairobi saacadu markay tahay 9-ka subaxnimo iyo 25 daqiiqo ee barqanimo.

Maamulka Garoonka Aadan Cadde waxa ay Shirkadda Jambojet ku wargeliyeen in uu Garoonku mashquul yahay saacadaha ay dalbadeen in ay Diyaaradooda ku soo degto Garoonka, isla markaana loo baahan yahay in ay Jadwalkooda Duullimaadka ku saleeyaan Xilliyadda Duhurnimada.

Shirkadaasi waxa uu qorshuhu ahaa in ay Duullimaadyadda Muqdisho bilaabaan bishii November 24-dii ee sanadkii hore, balse dib ayey u dhigeen ilaa bilowgii sanadkan 2020-ka, waxayna haatan ku dhawaaqeen inay gebi ahaan joojiyeen Duullimaadyadii ay isaga kala gooshi jirteen magaallooyinka Nairobi iyo Muqdisho.

17840cookie-checkKenya Oo Hakad Galisay Duulimaadyadii Muqdisho..