Magacaabista Jagada Wasiirka 1-aad & Xubnaha Loo Badinaayo in loo Xusho..

Somalia news

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, ayaa wali laga sugayaa magacaabidda, Ra’iisul Wasaaraha 21-aad ee Dalka, xilli ay is gurayaan 30-ka cisho ee Madaxweynaha laga rabo inuu ku soo magaaabo Wasiirka 1-aad….

Sida ay Warsidahaan u xaqiijiyeen ilo loo qaateen ah, xubnaha ugu firfircoon xulashada Xilka Wasiirka 1-aad waxaa kaalin hore kaga jira Saciid Dani Madaxweynaha Dowlad Goboleed Puntland, waxaa kaloo ka mid ah Mr.Xuseen Cabdi Xalane oo horey u soo noqday Wasiirka Maaliyada iyo Maxamed Keynaan, oo Jun 2015 ilaa February 2017, La-taliye sare u ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh.

Keynaan, oo lagu tilmaamo shaqsi aad u firfircoon, ayaa Maarso 2017 ilaa May 2018, soo noqday Madaxa Shaqaalaha – Xafiiska Ra’iisul Wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre, kaasoo hadda ka mid ah siyaasiyiinta MW Xasan ku riixaya inuu xilka u magacaabo Keynaan.

Xasan Sheekh ayaa la sheegey inuu rajo ka qabo inuu helo Ra’isul Wasaare aqoon durugsan u leh siyaasadda guud ee Dalka, isla-markaana leh astaamaha khabiir horumarineed oo si gaar ah xoogga u saari kara xasillinta, dowlad-dhisidda, iyo ka hortagga colaadaha iyo inuu leeyahay waayo-aragnimo hoggaamineed.

Marka laga qiyaas qaato, xilalka uu ilaa hadda magacaabay Xasan Sheekh, sida Agaasimaha NISA iyo Hogaanka guud ee Madaxtooyada, Ra’iisul Wasaarahu, wuxuu ka imaan karaa kooxda ku xeeran (Damul jadiid) Madaxweynaha, waana sabab kale oo kordhineysa rajada xubnaha kor ku xusan oo qaarkood ururka ka tirsan.

192990cookie-checkMagacaabista Jagada Wasiirka 1-aad & Xubnaha Loo Badinaayo in loo Xusho..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com