Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya Eedeymo culus Oo ay Xoogaga Amaanka Kenya ku soo oogeen Nin u dhashay Dalka Iran, kaasoo la xiriiriyay Kooxaha Argagixisada, iyadoo ay sheegeen inuu xiriirkiisa ilaa xuduudaha Dalalka Deriska uu dhaafsiisan yahay…
Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Sirdoonada Kenya Ay muddo dheer ku raad joogeen Mr.Mohamed Saeid Golabi, isla markaasna ay Baaris ku sameeyeen Baasaborkiisa, iyadoo sidoo kale ay sheegeen inuu xogo ka uruurinaayay Ganacsato Kenya iyo Israel u dhashay dhaqdhaqaaqooda ganacsi.
Saraakiisha Amaanka ayaa sheegay in Ninkaan looga tuhun qabo inuu xiriir la leeyahay Sirdoonka Iran, Eedemahaan ayaa la sheegay iney ka gaabsadeen ka hadalka Ninka Dowladda Saraakiisha Ciidamada Iran, Madaxweynaha Kenya ayaa culus ku saaray Hey’addaha Amaanka iney laba jibaaran Howlaha lagu sugaayo Amaanka Dalka.