Qorqor Oo Lagu Eedeeyay Inuu Boobaayo Kuraasta Beeshiisa

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa sheegaya in Mr.Qorqor uu diyaariyay Qorshe uu ku boobaayo Kuraasta Beeshiisa, isagoo adeegsanaaya Tiro Haween ah Oo ay Hormuud u tahay Caasha Xaaji Cilmi Oo u dhaxda Mr.Saacid Faarax Oo Ilmi adeer la’ag Farmaajo Fashilmay…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Mr.Qorqor uu Kursiga Oo uu Horace ugu fadhiyay Mr.Saabir Nuur Shuuriye, uu u diiday inuu isku sharaxo Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar, wuxuuna Kurasigaasi u balanqaaday iney ku soo baxdo Muna Maxamed Diirshe-Cadde Oo u dhaxda Ninka Ka Soo Jeeda Dalka Israel, Gabadhaan ayaa la sheegay iney hooyadeed ay ka soo jeedo dalka Lebanon 🇱🇧.

Wararka ayaa sheegay in Afada Farmaajo iyo Mrs.Caasha Xaaji ay culeys iyo balanqaado ku saareen Mr.Qorqor inuu soo Gabadhaan Oo xiliyadii ugu dambeeyay ka mid aheyd Gabdhihii qabanqaabiyay Tartanka Quruxda Haweenka, Siyaasada ka dambeysa in tiro badan oo Haween taageersan Farmaajo la soo saaro si uu ugu guuleysto mar 2-aad Villa Somalia.

153400cookie-checkQorqor Oo Lagu Eedeeyay Inuu Boobaayo Kuraasta Beeshiisa