Kenya Oo u Bandhigtay Ethiopia Isticmaalka Ganacsigeeda Dekada Lamu..

Africa News Business Security

Dekadda Lamu ayaa lagu wadaa in laga hirgeliyo dhaqdhaqaaqyo dheeraad ah kadib heshiisyo dhex maray Kenya iyo dalalka deriska ah si ay u sii kordhiyaan isticmaalka dekedda Gobolka, Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in uu dhawaan heshiis la gaaray Ethiopia oo aan bad lahayn si ay u isticmaasho dekedda si badeecadaha laga soo dejiyo loo soo raro Dalka Ethiopia…

Dhawaaqaan ayuu ku sheegay Mr.Ruto mar uu Khamiistii ka furay mashruuc Jaziiradda Ndau Island, oo ka tirsan degmada Lamu ee Bariga Lamu, ee ismaamulka Lamu, markii ugu horeysay ee Kenya-Off Grid. Madaxweyne Ruto ayaa sheegay inuu dhawaan ku martigelin doono Hogaamiyeyaasha Gobolka Dekeda Lamu, oo ah tan labaad ee ugu weyn Kenya marka laga reebo dekedda Mombasa.

Sidoo kale Mashruucaan waa qayb ka mid ah marinka Lamu Port-South Sudan-Ethiopia Gaadiidka (Lapsset), kaasoo soo socday ilaa 2012. Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in saddexdii Bakhaar ee ugu horeeyay ee casri ah oo laga dhisay Dekadda Lamu ay yihiin kuwo dhameystiran oo diyaar u ah in la isticmaalo, isagoo Ganacsatada Kenya ugu baaqay iney Ganacsigooda ka soo degsadaan ama ka dhoofiyasn badeecadahooda.

Inkastoo ay shaki ku jirin iney jiraan Caqabado Amni ee degaanka oo muddo dheer aan la la tacaalin, gaar ahasn kooxda argagixisada Shababka oo unugyo uga howl galaan dhulka keymaha ah, dagaalo u dhaxeeya beelo wada dega Degmada Lamu daafaheeda, Mr.Ruto Wuxuu ku booriyay dadka ku nool Lamu inay ka fogaadaan qabyaalada, taasoo keeni karta nacayb iyo kala qaybsanaan ka dhex dhacda bulshooyinka kala duwan ee ku nool Gobolka.

362400cookie-checkKenya Oo u Bandhigtay Ethiopia Isticmaalka Ganacsigeeda Dekada Lamu..