Marinada Dhaca Xuduuda Kenya & Somalia oo Dib loo Furaayo..

Africa News Somalia news

Inkastoo Maamulkii Uhuuru ee Kenya ay dhiseen derbi silig ah si loo xakameeyo isku socodka Dadka, Badeecada iyo Kooxaha Argagixisada, iyadoo xiritaankaasi Xadka ay caqabad ku noqdeen Ganacsiga iyo badeecadaha xuduuda isaga gudba, hadana laguma guuleysan in la xakameeyo kooxaha Argagixisada…

Iyadoo Maamulka Cudub ee Mr.Ruto ay wadaan qorshe cusub oo dib loogu furaayo ugu yaraan 3-goobood oo dhaca xuduuda Kenya iyo Somalia, kadib markii muddo 12-sano ay xirnaayeen sababo ay ku fasireen Maamulka Kenya yareynta qulqulka kooxaha argagixisada iyo hubka.

3-da Marin ee la qorsheeyay ayaa kala ah Mardhera-Beledxaawo, Liboi/harhar-Dhoobley iyo Kiunga-Kaskambooni, Furitaanka wada hadalada ayaa la sheegay inuu hogaaminaayay dhinaca Kenya Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr.Kithure Kindiki, kulankaan ayaa xiriir la lahaa kulan dhacay 15-kii July ee kal hore ayna wada ueesheen Madaxweynihii hore ee Kenya iyo kan Somalia, iyagoo ku heshiiyay in wax laga qabto walaaca Amni ee ka jira Xuduuda labada Dal iyo isku socodka Dadka iyo badeecadaha.

255910cookie-checkMarinada Dhaca Xuduuda Kenya & Somalia oo Dib loo Furaayo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com