Share the post "Kenya Oo Xaqiijisay 2-Bukaan oo Qaba Cudurka mpox, Taasoo Wadarta guud ka dhigaysa 33-Bukaan.."
Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Waaxda Caafimaafka ayaa Jimcihii xaqiijiyeen Laba kiis oo kale oo Cuddurka mpox ah, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee kiisaska la xaqiijiyay 33-Bukaan laga hekay Dad Degaan Degaano ka tirsan Kericho and Taita Taveta ee Dalka Kenya..
Mary Muriuki, oo ah Xoghayaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in kiisaska Cudurkaan la xaqiijiyey laga helay degaanada Kericho iyo Taita Taveta, isla markaana uu ku faafay 12-Degmo oo kale, Faafitaanka Cudurka waxey cabsi ku abuurtay Dadka Kenya.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ilaa 225 xiriir la aqoonsaday, 216 ay mareen kormeerka la soo jeediyay ee 21 maalmood ah. Sagaal qof ayaa la xaqiijiyay iney qabaan Cudurka mpox ka mid ah dadka lala xiriiriyay, Mpox, oo uu keeno fayras ka tirsan isla cudurka furuqa, waxaa lagu gartaa qandho badan iyo nabar maqaarka ah oo loo yaqaanno vesicles, Sanadkii 2022, cudurro dillaacay ayaa ka dillaacay in ka badan 70 Wadan oo adduunka ah.