Golaha Amaanka Ee QM oo Ansixyay Qaraar la Xiriira Somalia

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada New york ee Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in kulan ay yeeshaan Xubanaha Golaha Amaanka ee QM maalintii shalay ayeey ku ansixiyeen Qaraar dib u dhigaaya dhimista 2000 Askari ee Ciidamada Howlgalka ATMIS ee Somalia muddo lix bilood ah..

Qaraarkaan ayaa lagu xusay “iyadoo laga jawaabaayo codsiga Ururka Midowga Afrika ee xiriirka la leh qaraarka tirsigiisu yahay 2670, kaasoo ku guuleystay taageerida Wadajirka ag ee Golaha, ayaa kordhiyay oggolaashaha dhimista ee Howlgalka ATMIS ilaa 30-ka Juun 2023-ka, iyadoo loo qabtay uu ahaa 31-12-2022-ka.

Waxaana Golaha isla oggolaadeen iney qabtaan kulamo rasmi ah oo looga hadlaayo isbedelka Somalia ee kacay wixii ka dambeeya 31-05-23, waxaana la filayaa in kulankaasi ay ka soo qeyb galaan Wakiilo ka kala socda Dowlada Federaalka, Ururka Midowga Afrika, EU-da USA iyo Dalalka Ciidamadoodu ka joogaan Somalia.

232480cookie-checkGolaha Amaanka Ee QM oo Ansixyay Qaraar la Xiriira Somalia