Khataraha Ku Gedaaman Amniga Jilicsan ee Dalka & Xal U Helida Iskaashiga Difaacyada Shisheeye…

Africa News Security Somalia news

Somalia waxey gashay marlaxad adag kadib markii Amniga guud ee Dalka ay Khalkhal iyo fara gelin arrimaha gudaha ku hayaan Dowlada Ethiopia, iyadoo bilowgii Sanadkaan Heshiis Is-fahan la saxiixatay Maamulka Waqooyiga Somalia, iyadoo ay horey ula saxiixatay Decembar Sanadkii 2023-kii Heshiis iskaashi Ethiopia…

Ifafaalaha muuqdaa Somalia & Ethiopia oo horey 1964 iyo 1977 dagaalo lagu hoobtay u dhex mareen ayaa hadda waxaa xaalka sii murjiyay Heshiiska ay Somalia la gashay Dalka Egypt iyo Hub iyo Saanad todobaadkii tagay ay Dowlada Masar kasoo dejiyay Caasimada Somalia, ku darsoo Somalia Federaalka ayaa ka codsatay Xukuumada Qaadira iney Ciidamadoodu ka mid noqdaan Ciidamada Nabad Ilaalinta (AUSSOM) ee ka howlgeli doona Somalia Sanadka cusub 2025-ta, waxeyna ku yabooheen (Egypt) 5000 oo Ciidamo ah halka 10.000 oo kale oo Dowlada Federaalka ay Dalbatay, waxeyna Dowladu ku goodisay iney Ciidamada Ethiopia ka reebeyso ka mid noqoshada Ciidamada Nabad ilaalinta cusub.

Hogaanka Villa Somalia ayaa heshiisyo Iskaashi Difaac la galay Dalal kale oo ka baxsan Ethiopia & Egypt, Saxiixyada Heshiisyadaan ayaa khatar gelinaaya Midnimada Dalka kaasoo aan weli ka soo kaban diiftii dagaaladii sokeeye & burburkii ku habsaday Dowladnimada Dalka, waxaana sidoo kale farta lagu goday Heshiisyada Iskaashiga Difaac tirada badan ee aan laga fiirsan ee la la galaayo Dalalka kale.

Xiligaan kala guurka ah khataraha ku gedaaman Amniga Jilicsan ee Dalka ayaa u baahan in xooga la saaro xal u helid deg deg ah, Heshiisyadaan Iskaashi Difaac ayaa intooda badan gaarsiisneyn mid buuxo oo waajib ka dhigaaya Labada Dal iney ixtiraamaa, Difaacaan Madaxbanaanida labada Dal, Heshisyadasn ayaa u muuqda kuwo niyad wanaag ku dhisan oo aan labada Dal midna waajibineyn iney isu soo gurmadaan.

Xeeldheerayaasha Amniga ayaa yaqiinsan in Saxiixyada Heshiisyada Dowlada Federaalka la galeyso Dalalka tirada badan ay salka ku hayaan fahamka gaaban ee arrimaha Ciidamada ee Hogaanka Dalka, jilcsanaanta iyo tabar yarida Hey’adaha Difaaca iyo Amaanka ee Dalka oo ku riixeysa iney Dal kasta oo ay u arkaan iney ka caawini karaan heshius Difaac la galaan, waxeyna tani meesha ka saartay in lasameeyo hubin dhab ah iyo in Heshiisyadu Dan ugu jirto Dadka iyo Dalka.

341830cookie-checkKhataraha Ku Gedaaman Amniga Jilicsan ee Dalka & Xal U Helida Iskaashiga Difaacyada Shisheeye…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *