Kheyre Oo Ka Gows-qabsaday Ku Biirida Xisbiga

Politics

Macluumaad hoose ayaa muujinaaya in Kulamo adag oo bilihii ugu dambeeyay ay yeelanaayeen Wasiirka 1-aad iyo Wakiilka Farmaajo ahna Ra iisal wasare kuxigeenka Mahdi Guleed oo looga hadlaayey sida Hal Xisbi loo wada dhisi lahaa, hal Musharaxna uu u noqon lahaa Mr.Farmaajo ayaa u muuqda mid leysku Afgaran waayey….

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in Mr.Mahdi Guuleed iyo Adeege Fahad Yaasin ayaa isku dayeen in si afgarad ah iyo Nabad lagu dhameeyo muran u dhaxeeya Mr.Farmaajo iyo Mr.Kheyre iyagoona sida muuqata Xal ka gaari waayey arintaasi.

Sida Muuqata Mr.Kheyre iyo Taageerayaasha ayaa ka gows-qabsaday laba Qodob kale ay soo Jeediyeen oo kala ah In Dowlada ku Darsato 2 Sano Golaha Wasiiradana la isku shaandheeyo isagoona soo jeediyey in Doorasho Waqtigeeda lagu qabto si Somalia u Hesho Kalsooni ka weyn mida maanta aan Heysato.

Xisbiyada Mucaaradka iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa siweyn waxaa u taageersan in doorasho xili Gerda la qabto, marka laga Reebo Mr.Farmaajo iyo Dowlada Ethiopia oo dooneysa in Farmaajo Laba Sano loogu Daro.

32210cookie-checkKheyre Oo Ka Gows-qabsaday Ku Biirida Xisbiga