Kala Qeybsanaan ka Dhalatay Muddo Kordhinta Golayaasha Sharci Dejinta & Kuwa Fulinta

Somalia news

Kadib markii ay Muddo sanad ah ku kordhisteen muddada Xil heynta Maamulada Gobolada, isla markaasna Villa Somalia laga soo dhaweeyay, ayaa waxaa soo shaac baxaaya kala qeybsanaan ka dhex jirta Golayaasha Xeer dajiyayaasha kuwaasoo qaarkood ay soo dhaweeyeen halka kuwo kale ay ka biyo diideen mowduucaan…

Hadii aan dib u milicsano Qabyo-Qoraalka (Dastuurka KMG ah), Qodabadiisa 60-aad iyo 91-aad ee Somalia ayaa dhigaaya in muddo kordhinta Golayaasha Xeer-dejinta iyo kuwa fulinta ay noqdaan 4-sano, hase yeeshee haatan lagu dhaqmaa, Golayaasha, Madaxweynaha iyo Maamulada Gobolada marka laga reebo Puntland oo 5-sano ah, kala duwanaashahaan ayaana baahan in dib u eegis lagu sameeyo oo lana saxo.


Iyadoo labada Gole ay soo saareen qoraalo lagu qeexaayo in la magacaabay Guddiyo gaar ah oo loo xil saaray ka shaqeynta iyo isku dabaridida wax ka bedelka muddo xileedka 2-Gole ee BFS iyo tan Madaxweynaha, kadib markii Golaha wadatashiga Qaran ay isla meel dhigeen in muddo xileedka laga dhigo 5-sano.

244940cookie-checkKala Qeybsanaan ka Dhalatay Muddo Kordhinta Golayaasha Sharci Dejinta & Kuwa Fulinta