Khilaaf U Dhaxeeya Farmaajo & Laftagareen..

Politics

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya Khilaaf xoogan soo kala dhex galay Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Mr.Cabdi-casiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Mr.Farmaajo.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in khilaafkaan uu salka ku hayo nooca doorasho ee loo qorsheeyay inuu Dalka ka qabsoomo sanadk 2021, iyadoo Villa Somalia ay damacsan tahay iney noqoto qof iyo cod.

Madaxweynaha Koonfur galbeed Lafta gareen ayaa ka biyo diidan nooca doorasho ay rabto Villa Somalia iney dalka ka dhacdo, Talaabadaan oo sii cusleysay Khilaafka labada dhinac u dhaxeeyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhegan iney dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah,waxaana hadda dalka laga dareemayaa olole loogu jiro doorashdaas, Sidoo isku dayo badan iyo dadaalo ay ku dhamaadeen fashil.

Dhanka kale, Mr.Lafta gareen ayaan Weli soo dhameystin Xulahada Xildhibaanada cusub ee Maamulka Konfur Galbeed oo wakhtiga xil heyntoodu uu dhamaaday, waxaana dhibaato ka taagan tahay tirada Xildhibaanada oo ay diidan yihiin Odayaasha Dhaqanka in la dhimo.

17580cookie-checkKhilaaf U Dhaxeeya Farmaajo & Laftagareen..