Maxaa Xal Waara Looga Gaari La’yahay Khilaafka Maamulka Masaajidyada ee Soomaalida Qurbaha..

Somalia news

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay Khilaafyada ka dhasha Maamulka Masaajidyada ee Soomaalida Qurbaha ku nool, iyadoo Khilaafyadaan oo xal waara loo waayay ayaa xiligaan wuxuu ka taagan yahay Masaajidyo ku kala yaal Dalalka Holland iyo Norway oo Jaaliyadaha kala qeybiyay Maxkamadaha degaankana Go’aano ka gaari waayeen…

Maalmahaan waxaad Baraha Bulshada ku arkeysaa in magaalo yar oo ku taal Dalka Holland Somali ku banaanbaxeysa Dhisme Masaajid, kuwaasoo ka codsanaaya Culimi ay ka mid yihiin Sheekh Mustafa Ismaaciil Haaruun iyo Sheekh Yaxye Almis oo ka soo wada jeeda degaanada Waqooyiga Somalia una tagay iney Muxaadarooyin ku qabtaan Masaajidkaan oo sida la sheegay ay la wareegeen Maamulkiisa Muwaadiniin ka soo Jeeda degaanada Somaliland.

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo degan Dalkaasi ayaa muddo 3-maalmood ah waxey Banaanbaxyo ka dhigayaan dhismaha Masaajiska hortiisa, iyagoo mikroofano ku sheegaaya in Culimada u soo baxaan kana codsanaaya iney kala dhex galaan, waxaana Masaajidia hortiisa la dhigay Ciidamo Boliis ah, Halka Dalka Norway Masaajidoa Al-Taqwa ee Magaalada Oslo la sheegay in Maxkamad ay amartay in la xiro inta ay go’aan ka gaareyso Dacwada.

Colaadaha ku dhisan Beelaha iyo kala fogaashaha Khilaafyada Beelaha ee dhulka Soonaaliyeed ayaa lasheegaa iney asal u yahay kuwaasoo saameeya Jaaliyadaha Qurbaha, iyadoo inta badan khillaafyadaan ay salka ku hayaan dano shaqsi iyo Xarakooyinka Diimeed, talaabooyinka ayaa horseeda in Danta guud ku heshiin waayaan, ku darsoo waxey horseedaa iney Caruurtooda ay beylah noqdan oo dhaqankii iyo Diinta aan loo noqon.

285100cookie-checkMaxaa Xal Waara Looga Gaari La’yahay Khilaafka Maamulka Masaajidyada ee Soomaalida Qurbaha..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com