Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhex Galay Hogaanka Jabhada Iyo Maamulka

Politics

Xiliyadii ugu dambeeyay Waxaa soo shaac baxaayay khilaaf xoogan iyo is-maan dhaaf u dhaxeeya Hogaanka ONLF iyo Maamulka Ka arrimaya is-Maamulka Soomaalida ee Ethiopia…

Is-maandhaafkaan ayaa Soo muuqday kadib markii maalmihii ugu dambeeyay ay kordheen weerarada afka ah iyo hadalo kulul ay dhinacyadaan Warbaahinta isku marinaayeen, iyadoo dib loo dhigay Doorashadii lagu waday iney Sanadkaan ka dhacdo guud ahaan Dalka Ethiopia.

Madaxa Maamulka Soomaalida Ethiopia Mr.Mustaf Muxumed Cagjar oo wareysi siiyay Barnaamijka Ifiye ee ka baxa Universal TV, ayuu kaga waramay Xudunta Khilaafka, wuxuuna ku Eedeeyay Hogaanka ONLF in isbedel lagu sameeyay magaca jabhada maadama uu ka turjumaayo Qabiil gaar ah.

“Jabhada aad ka hadleyso waxaa la yiraahdaa ONLF, Jabhada WSF waxey ka mid aheyd marxalad ka mid halgankii Shacabka ee nagayada uu soo maray arrinteedana waxey soo dhamaatay Horaantii 80-yadii, marka waxa la isku heysto Waa magaca oo in la bedelo oo aysan beel kaliyah ka soo dhex muuqan lana qaato magac Soomaaliyeed si ay u metelaan Soomaali oo dhan” ayuu sheegay Mr.Cagjar.

Loolanka adag ee u dhaxeeya Labada dhinac ayaa u muuqda mid ay dhinac kasta ku iibinayaan aragtidooda iyo sidii Soomaalida looga Gedi lahaa Barnaamij Siyaasadeed ay soo diyaarsadeen, iyagoo xulufo la kala ah Xisbiyada ka dhisan Dalka Ethiopia.

28650cookie-checkKhilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhex Galay Hogaanka Jabhada Iyo Maamulka