Is-Rasaaseyn Ka Dhacday Waqooyiga Gaalkacyo..

Politics

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysaa iska horimaad gelinkii dambe ee Khamiistii ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug…

Iska horimaadka ayaa yimid markii ay maleeshiyo deegaanka ah ay ka horyimaadeen dhul la sheegay inay Puntland damacsan tahay in ay ka dhisto garoon diyaaradeed.

Iska horimaadka oo u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo maleeshiyada deegaanka ayaa istaagay, ka dib markii Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Gaalkacyo, ay waan-waan u istaageen.

Inta la’ogyahay hal qof ayaa ku dhintay iska horimaadkaasi, halka shan kalena ay ku dhaawacantay.

Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Puntland ee ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ayaa wada waan-waan nabadeed, oo ay kaga hortaggayaan in markale uu labada dhinac gacan ka hadal ku dhex maro magaaladaasi.

Dadka ku dhaqan Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland ka arrimiso ayaa kuu sheegaya in ay xaaladdu tahay mid degan.

Magaalada Gaalkacyo ee Bartamaha Somaliya ayaa u qeybsan laba Qeybdiid (Puntland iyo Galmudug), waxaana joogto noqday is-rasaaseynta iyo dagaalo joogto ah oo dhex marta qeybaha wada dega Magaalada.

21890cookie-checkIs-Rasaaseyn Ka Dhacday Waqooyiga Gaalkacyo..