Khilaafka Xargo Goostay ee Hogaanka Villa Somalia vs UAE & Saameynta Turkiga..

Domestic News Security Somalia news

Waxaa in muddo si hoos u shaac baxaayay khilaaf xargo goostay oo u dhaxeeya Hogaanka fashilmay ee Villa Somalia kan Maamulka Abu Dhabi kaasoo salka ku haya gacan saarka ay UAE la leedahay Kooxaha Mucaaradka, Maamulada Puntland, Jubbaland & taageerada ay u fidiso Kooxda RSF ee Sudan oo dhaawacyadooda & Sahaydoodu transit ahaan loo marsiiyo Garoonka Diyaaradaha Bosaso..

Xuuraano loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Maamulka UAE ay martiqaad u fidiyeen Kooxaha Mucaaradka iyo 2-da Maamul ee Puntland iyo Jubbaland, iyagoo sidoo kale bilaabay iney Hub, Saanad iyo Dhaqaale maalgelin u fidiyeen si ay cadaadis u saaraan Hogaanka Villa Somalia oo culeysyo ka heysta Mudada gaaban ee ka harsan muddo xileedkiisa iyo dagaalka kooxda Argagixisada Shababka oo Degaanada Beesha uu kasoo jeeda isku balaariyeen.

UAE ayaa wada qorshe qoto dheer oo ay ku abaabuleyso kooxaha Mucaaradka kuwaasoo la filaayo iney howlgalo hubeysan ku doonayaan iney ku qabsadaan degaano ka tirsan Magaalada Mogadishu gaar ahaan nawaaxiga Garoonka Diyaaraadaha, iyadoo loo xil saaray Maleeshiyaad daacad u ah Xildhibaan Sheekh Shariif iyo Xubno kale, iyadoo laga digay in dhaqdhaqaaqasi uu horseedi karo dagaal dhiig badan ku daato iyo barakac ka bilaada Caasimada.

Khubabarada sadaaliya Arrimaha Siyaasada ayaa ka digay in Khilaafkaan isku rogo mid dhoig badan ku daato, mana muuqato in dhinacyadaan ay xiligaan diyaar u yihiin iney khilaafkooda miiska wada hadalka ku xaliyaan, waxaana meesha ka marneyn saameynta Dowlada Turkiga oo khilaaf xoogan kala dhaxeeyo UAE kuna aadan dagaalka Sudan oo haatan u muuqda in laga itaal roonaaday Kooxda RSF ee UAE ay taageerto.

373400cookie-checkKhilaafka Xargo Goostay ee Hogaanka Villa Somalia vs UAE & Saameynta Turkiga..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *