Dhaqtar oo aano Qabiil loogu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo (Puntland) ayaa sheegaya in Nin ku labisnaa dareeska Xoogaga Amniga Puntland ayaa xalay fiidkii magaalada Gaalkacyo ku dilay allaha u naxariistee mid kamid ah Dhaqaatiirta ka howlgasha Gobolka Mudug…

Wararka ayaa sheegaya in Marxuum Dr Sakariye Cabdi Jaamac, oo ahaa Dhaqtar Dhallinyaro oo caan ka ahaa Bulshada dhexdeeda, ayaa xalay lagu dilay isagoo ku sugnaa xarun caafimad oo uu maamule ka ahaa oo lagu magacaabo Alxaramayn, iyadoo Kalkaaliso la shaqeyneysa la dhaawacay, Muuqaal ay duubtay kaamirada CCTV oo ku xirnayd xarunta lagu dilay, ayaa lagu arkayay, Dabley hubaysan oo gudaha u galay xarunta, kaddibna xabbad la beegsaday Dhaqtarka.

Gacan ku dhiig laha waxaa la socday labo nin oo la aamisan yahay inay qeyb ka ahaayeen abaabulka dilka dhaqatarka, kuwaas oo kaamerada laga dhex arkayay, iyagoo gacan ku dhiig laha siinaya tilmaam ku aadan Dhaqtarka.

276430cookie-checkDhaqtar oo aano Qabiil loogu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo..