Koonfur Galbeed Oo Amar Soo Rogtay Radio Baraawe

Politics

Maamulka iyo Shaqaalaha Radio Baraawe ee fadhigiisu yahay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa lagu amray inay joojiyan barnaamijyada ku baxa afka Barawaaniga….

Waxaa xalay Xarunta Radio Baraawe tagay ciidan uu watay Gudoomiyaha Degmada, Cumar Sheekh Cabdi (Shafaana), waxeyna Maamulka iyo Shaqaalahaba ku amreen in hadda kadib aanay baahin karin barnaamijyada ku baxa afka Barawaaniga.

Gudoomiyaha ayaa Maamulka Idaacadda u sheegay in barnaamijyadaasi laga soo dacwooday, sidaasi daraadeedna aynaan hadda ka dib sii baahin karin, inkastoo aanu si dhab ah u sheegin cidda ka soo ashtakootay. Waxayna tani layaab-gelisay Maamulka iyo Shaqaalahaba.

Radio Baraawe ayaa baahin jiray barnaamijyo dhawr ah oo ku baxa afka Barawaaniga, kuwaa oo laga xusi karo sida Barnaamijyada Malafaayow iyo Barbaarta, waana kuwa aadka loogu dhageysiga badan yahay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Diinah.com u sheegay in amarkan uu ka soo baxay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi, Gudoomiye Fiqi ayaa beel ahaan ka soo jeeda Beesha Tuni, taasoo ay arrimaha siyaasadda deegaanka isu hayaan beesha kale ee Reer Baraawe.

29170cookie-checkKoonfur Galbeed Oo Amar Soo Rogtay Radio Baraawe