Madasha Xisbiyada Oo Warbixino Ka Soo Saaray NISA

Politics

Warbixin hordhaca ah oo ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran ayaa walaac looga muujiyey “inuu xiriir ka dhaxeeyo” NISA iyo xubno ka mid ah Horjoogayaasha Kooxda Shabaab, waxayna madashu dalbatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hoggaanka hey’adda Nabad Sugidda Soomaaliya….

Qoraalkaan ayaa toos loogu diray Madaxweynaha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul waaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa lagu yiri, “Madashu waxay qoraalkan la wadaagaysaa madaxda kor ku xusan iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan”.

“Madasha Xisbiyada Qaran waxay aad ugu walaacsantahay xogaha iyo warbixinnada baryahan soo batay ee ku saabsan xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeeya Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo ururka argagixisada ah ee Al-shabaab, xogahaas oo dhaliyay shaki iyo cabsi ku abuurmay shacabka Soomaaliyeed”ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.

30620cookie-checkMadasha Xisbiyada Oo Warbixino Ka Soo Saaray NISA