Kooxda Ajaaniibta Argagixisada Oo U Weecday Sh/Dhexe

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya Maleeshiyaadka Ajaaniibta ah ee u dagaalama Kooxda Shabaabka ee dhawaan dagaalka looga soo saaray Gobolka Shabellaha Hoose ayaa la sheegay iney isku uruursadeen degaano hoos yimaada Gobolka Shabellaha Dhexe…

Wararka ayaa sheegaya in Howlgalada ay ka wadaan bilihii ugu dambeeyay Ciidamada Dowlada ayeey culeys xoogan iyo dagaalo aan kala go’ laheyn ku saareen Horjoogayaasha Kooxaha ajaaniibta ee ka dhinac dagaalama Kooxda Shabaabka ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxayna taasi dhabaha u xaartay in deegaano dhawr ahi laga saaro.

Mid ka mid ah Saraakiisha Maamul Goboleedka Hir-Shabelle, Oo ah Wasiirka Amniga ee Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa qiray in Ururka Al Shabaab uu ku soo xoogeysanayo Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib markii laga soo saaray qaybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose.

“Waayihii dambe waxay aad u soo badiyeen inay culeys soo saaraan Degaanada Shabellaha Dhexe, marka sababta mar walbana keentay inay Balcad iyo nawaaxigeeda ka sameeyan dhibaatooyin, qaraxo ama weerar toos ah waxaa u sahashay inay haystaan meel ay ku cararaan oo gabaad ay ka dhigtaan.” Ayuu yiri Wasiir 

“Marka Labada Shabelle haddii mar uu hawlgalka ka dhici lahaa, waxaan rajayn lahayn in nimankan meel ay ku gambadaanba aysan heli lahayn, waayo ma qaybsamaan, waa niman aad u tiro yar, marba dhinac u guur guuro.”.

42110cookie-checkKooxda Ajaaniibta Argagixisada Oo U Weecday Sh/Dhexe