Cudurka Covid-19 Oo Si Weyn Ugu Baahay Caasimadda

Somalia news

3-todobaad Ee ugu dambeeyay ayaa la sheegay inuu sare kac ku yimid Cudurka saf-mareenka ah Ee Coronavirus, kaasoo si weyn ugu baahay Hoteelada Magaalada Mogadishu, wuxuuna soo ritay tiro badan oo Bukaano ah kuwaasoo ay ku jiraan Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka…

Iyadoo Magaalada Muqdisho laga dareemay saamaynta xanuunka COVID-19 ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in xanuunka uu markaan ku faafayo hoteelada magaalada ku yaala.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Federaalka ee uu cudurka soo ritay ayaa isugu jira Xildhibaano, wasiir, iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada waxaana Bukaanadaasi kamid ah.

-Wasiirka Arrimaha Dibeda

-Xildhibaan Cabdulahi Gaafow

-Xildhibaan Muna Cumar Xasan (Shibis)

-Taliyaha Boliiska Xijaar

-Taliyihii Hore Ciidamada Dowladda (Daahir Aadan Indho-qarshe).

-Taliyihii Hore Ciidanka Badda Maadeey Nuurey (Ufurow)

-Agaasimaha Socdaalka Koofi

-Maareeyaha Wakaalada Dhismaha Bashiir Goobe

Mas’uuliyiintaan ayaa la dhigay Isbitaalka Martiina marka laga reebo Col. Koofi oo dhowaan ka bogsaday iyo wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo ku go’doonsan Burund, halka qaar kale oo ka mid ah dadkaan ay guryahooda la jiifaan xanuunkaan.

Magaalada Mogadishu ayaa si weyn looga dareemayaa saameynta cudurka Covid-19, waxaana u dhintay dad badan oo magac ku dhax leh Bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ku jiraan fanaaniin, odayaal dhaqan iyo culimo.

97710cookie-checkCudurka Covid-19 Oo Si Weyn Ugu Baahay Caasimadda