Kooxda Shababka oo Weeraray Fariisimo Ciidamada Dowlada Ku Leeyihiin Duleedka…

Security Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaano hoos taga Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in aroortii hore ee Saakay ay weerar ku qaadeen Meleeshiyadka ka tirsan Argagixisada shabaabka Fariisimo ay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Macawiisleeyda ay ku lahaayeen degaanka Ceel Cali Axmed ee hoostagta Degmada Aadan Yabaal…

Weerarkaan ayeey Maleeshiyaadku ku bilaabeen Qaraxyo aad u xoogan waxaana xigay rasaas toos ah iyo dagaal fool ka fool ah, Inkastoo wali aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kala soo gaaray haddana saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo kuwa ciidamada Degaanka ayaa iska caabiyay weerarka ay Al shabaab soo qaadeen.

Warar kale ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada ay weeraro ku qaadeen Tuulooyinka Ciid Ciidka, Daaru Nicma, Cali Fooldheere iyo Al Kawthar oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay waaberigii hore weerarro dhowr ah kuwaasoo yoolkoodu ahaa sidii ay dib u qabsan lahaayeen Degaanadaasi, Kooxdaani ay muddo ku jirto abaabul xoogan.

Kooxdaan ayaa xooga soo saartay degaankaan si ay u gaarto Degmada Aadan Yabaal oo kamid ahayd saldhigyadii Kooxdaasi laga saaray markii uu bilowday Howlgalka ciribtirka Kooxdaasi, Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Degaanada ee Hubeysan ayaa ku guuleeystay xoreynta dhul balaaran oo Kooxdaani ay muddo sanada ah ay ka maamulayeen bartamaha iyo Koonfurta Somalia, inkastoo Howlgalkaasi uu muddo hakad ku jiro.

361270cookie-checkKooxda Shababka oo Weeraray Fariisimo Ciidamada Dowlada Ku Leeyihiin Duleedka…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *