Qarax Gaari Lagu xiray oo Xalay ka Dhacay Magaalada Mogadishu

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax gaari oo lagu dilay Mas’uul ka tirsan Maamulka Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Benaadir, iyadoo wararku ay sheegayaan in Gaarigiisa lagu xiray Walxaha qarxa isla markaasna u geeriyooday…

Wararka ayaa sheegay in Marxuumka qaraxa lagu dilay Magaciisa lagu sheegay Macallin Xuseen Fiilo-weyne kaasoo ahaa Gudoomiye kuxigeenka Arrimaha Siyaasada degmada Yaaqshiid, goobjoogayaal ayaa sheegay in Falka uu ka dhacay xalay Xaafada Buulo maxaay oo ka tirsan Degmada Kaaraan halkaasoo uu ku sugnaa.

Iyadoo la sheegay in qaar ka mid ah ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, ilaa hadda ma jirto Koox dusha saaratay mas’uuluyada, iyadoo dhacdooyinka noocaani oo kale ah ay joogyo ka noqotay Caasimada, waxaana caan ku ah kooxda argagixisada Shababka.

Qaraxyada Gadiidka Mas’uuliyiinta Dowlada loogu xiro ayaa joogto noqotay waxeyna ka mid tahay xeeladaha ay kooxaha argagixisada u adeegsadaan bartilmaameedsiga shaqsiyaadka ay ugaarsanayaan wallow modooyinkii ugu dambeeyay uu hoos u dhac ku yimid howlgaladaan.

210690cookie-checkQarax Gaari Lagu xiray oo Xalay ka Dhacay Magaalada Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com