Kooxda Shababka Oo Weeraray Saraakiil Guryo ay ka Degan Yihiin Magaalada Degmada Baydhabo..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weeraro loo adeegaaday qaraxyo bambaanoyin ah oo Xalay kooxda Aragagixisada Shabaabka ka geysteen xaafado ka tirsan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay…

2-daan Weerar ayaa loo adeegsaday bambooyinka F-One ayaa la sheegay iney dhaceen xili ay guryahooda ka maqnayeen Saraakiisha daganeyd, hayeeshee waxaa lasoo wariyay in waxyeelo ay kasoo gaartay qaraxyada xubno ka mid ah ehelada Daraakiisha la weeraray guryahooda iyo qaar ka mid ah ilaaladooda, waxaans ka dhashay Khasaare kala heer ah.

Iyadoo Xoogaga Amaanku ay Howlgal ka fuliyeen Magaalada, inkastoo aan la sheegay iney soo qabteen Eedeysanayaasha Falkaan fuliyay, Magaalada Baydhabo ayaa muddo Amaan aheyd hataan ku soo biireysa magaalooyinka ay dhibaatada amaan ku hayaan kooxda Argagixisada Shababka, inkastoo ilaa hadda Saraakiisha Amaanka iyo Maamulka Aysan ka hadlin weerarkaan.

341340cookie-checkKooxda Shababka Oo Weeraray Saraakiil Guryo ay ka Degan Yihiin Magaalada Degmada Baydhabo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *