Ma Dhabaa in Shirkad loo Xil Saartay iney Dhaqaale Baad ah ka Uruuriyaan Dhismayaasha Gobolka Benadir..

Somalia news

Inkastoo Hogaanka Maamulka Villa Somalia ay u harsan tahay 2-sano ayaa waxaa soo xoogeysanaaya inuu hareeyay Musuq, Baad & tacadiyo joogto ah oo lagu hayo Shacbiga ku nool Degmooyonka Gobolka Benaadir kuwaasoo la xaqiijiyay in Baad dhaqaale la weydistay oo ka baxsan Canshuurta…

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in mashruucaan Boobka ku dhisan oo ay dhaqaale ku aruursanayaan Dad sheegtay in ay ka socdaan Hogaanka Maamulka Gobolka (Borsani) ayaa ka jira guryaha Degmooyinka ku wareegaya, iyadoo Dadka la weydistay iney si qasab ah ku bixiyaan dhaqaale loo gu magac daray Taakuleynta dhismaha Wadooyinka iyo Dayactirka Bulaacadaha.

Xuuraan ayaa xaqiijiyay in labo qeybood loo kala saaray Dhaqaalahaan kuwaasoo guryaha Vilooyinka ah laga rabo iney bixitaan 500-700$, Halka Dhismayaashw dabaqyada ahna laga rabo $1,000, Qofkii aan bixin waxaa loogu hanjabwy xarig, iyadoo Dhaqaalahaan laga qaadayo Dadka Guriga degan oo kireystaha ah.

Dhamaan Dadka ayaa horey looga qaaday Canshuurta, tan cusub ayaana loo heynin ilaa hadda ujeedo rasmi ah, Dhaqaalahaan ayaa xoguhu tilmaamayaan in loo xil saaray Shirkad dhawaan la asaasay oo asalkooda la aaminsan yahay iney xiriir la leeyihiin Xubni ka tirsan Qoyska Madaxweynaha iyo Duqa Magaalada.

323040cookie-checkMa Dhabaa in Shirkad loo Xil Saartay iney Dhaqaale Baad ah ka Uruuriyaan Dhismayaasha Gobolka Benadir..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *