Kooxda Xuutiyiinta oo Drone Is-Miidaamin ah ku Weerartay Markab kuwa Xamuulka Qaada Badda Cas…

World

Xoogaga Hubeysan ee Xuutiyiinta Dalka Yemen ayaa balaariyay Adeegsiga hubkiisa Noocyasiisa kala duwan waxeyna weerar ku qaadeen Markab Xamuul sida kaasoo maraayay Badda Cas iyagoo markii ugu horeysay adeegsaday Drones Is-miidaamin ah, Talabadaan ayaa waxay calaamad u tahay ka soo wareejinta Gantaalaha caadiga ah ee kooxda argagixisada ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kamikaze…

Wararka ayaa sheegaya in Markabka Xamuulka lagu weeraray meel u jirta 66-NM magaalada Al Hudaydah Yemen lagu magacaabo Tutor, Hey’adda Amniga Badaha ee Diaplous ayaa qortay in weerarka loo adeegsaday drones ayna duqeysay Markabka, iyadoo qaraxa kadib ay Matoorada ay Biyo soo galeen, kooxda Xuutiyiinta ayaa horey u weerartay 9-Markab oo ay iska leeyihiin Shirkadda Marshall Island, 3-Markab oo USA laga leeyahay, Maraakiibta jake wazey wateen Calamada Dalalka Malta, Barbados, Panama, Belize, Greece, Palau, Liberia, Singapore, and Portugal.

Intaas waxaa sii dheer, talaaabadani ma noqon doonto markii ugu dambeysay ee Kooxda Xuutiyiinta ee dagaalada kaga soo horjeedo Dalalka USA, UK, & Israel, waxeyna ku adkeysteen iney dagaalka sii wada doonaan inta ay Ciidamada Yuhuuda xasuuqa ka wadaan magaada Gaza, Kooxdaan ayaa sidoo kale sheegtay inay ku ballaarin doonto Weeraradooda badda Mediterraneyaanka.

331440cookie-checkKooxda Xuutiyiinta oo Drone Is-Miidaamin ah ku Weerartay Markab kuwa Xamuulka Qaada Badda Cas…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *