Ergeda Odayaasha Dhaqanka Ee Garoowe Gaartay & Beelaha ay ka soo Jeedaan

Somalia news

Maalintii shalay waxaa Magaalada Garoowe ka degay Ergo Odayaal Dhaqmeed oo isku xilqaamay sidii ay waan waan iyo Xabad joojin looga hirgelin lahaa Dhinacyada Dagaalada ku dhex marayaa Duleedka magaalada Laas caanood ee Gobolka Sool…

Isimadaan ayaa ka soo kala jeeda Beelaha Digil & Mirifle iyo Hawiye waxeyna magacyadoodu kala yihiin:-

-Ugaas Mohamud Ugaas Ali Ugas – Ugaaska Abgaal – wuxu metelayaa Muddulood.

-Ugaass Hassan Ugaas Mohamed Ugaas Nur – Ugaaska Cayr – Habar Gidir iyo Xawaadle ayuu Metelayaa

-Suldan Warsame Suldan Ibrahim Suldan Aliyow Ibrow – Ugaaska Jiiddo.

-Ugaas Abdirahman Ugaas Abdulahi Ugaas Maxumad – Ugaaska Gaaljecel.

-Malaq Mohamed Yacqub sheikh Deeroow – Ugaaska Raxanweyn oo Digil iyo Mirifle matalaya.

-Wabar Mohamed Wabar Ahned Wabar Ahmed – Ugaaska Baadicadde.

Odayaashaan oo Garoowe shalay gaaray, ayaa lagu wadaa iney booqdaan magaalada Laascanood si ay u arkaan xaalada ay Shacbiga ku sugan yihiin kaddib waxay u amba bixi doonaan Hargeysa si ay ula kulmaan dhinaca Somaliland.

248190cookie-checkErgeda Odayaasha Dhaqanka Ee Garoowe Gaartay & Beelaha ay ka soo Jeedaan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com