Kooxo Dadka Dila Oo NISA Ku Soo Fasaxday Muqdisho

Politics

Macluumaad ayaa laga soo sheegaya Koox Dadka rayidka ah Dila isla markaasna jirdilo iyo xarig sharci darro ah kula ka ayaa Hogaanka NISA ku soo fasaxeen Magaalada Muqdisho, iyadoo Xabsi you gaar ah ka dhigtay Degaano ka tirsan Gobolka Benadir…

Xogtaan ayaa u tilmaamtay Diinah.com, Kooxdaan oo laga maalgeliyo Villa Somalia, ayaa hoos taga Agaasinka NISA ee Gobolka Benadir, Kooxdaan ayaa maalmihii ugu dambeeyay ay baraha Bulshada ku baahiyeen muuqaalo arxan daro ah, oo isugu jira jirdil iyo maskax dilis.

Kooxdaan oo loogu Magac Dara “Ciidanka Ilaalada Shacabka ee NISA” ayaa bilaabay fal ka fog anshaxa taaso ah fal qoomuluudnimo kuwaaso lagula kacaayo dhalinyarada ka tirsan xisbiyada mucaaradka ama baraha bulshada ku gudbiya dhaliisha ay u qabaan DFS Hogaankeeda MW Farmaajo.

Adeege Fahad Yasin oo kaashanaya Horjooge Abdullahi Kulane (Jiis-Mareexaan), ayaa waxey ku amreen Horjoogayaasha Kooxdaani iney bilaabaan Howlgalada lagu ugaarsanaayo Siyaasiinta Mucaaradka, Wariyayaasha, Dhalinyarada Ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka.

Hogaanka NISA ayaa waxaay shacabka Soomaaliyeed dib usoo xasuusineysaa habdhaqankii Taliskii Mohamed Siyaad Bare kaaso mucaaradka habeenkii guryaha kala bixi jiray dabadeedna meedadkooda soo dhigi jiray wadooyinka muqdisho.

30110cookie-checkKooxo Dadka Dila Oo NISA Ku Soo Fasaxday Muqdisho