Ma Dhabaa In Abiy Iyo Farmaajo Ay Hargeysa..

Politics

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Mr. Farmaajo iyo Mr.Abiy Axmed la filayo inay magaalada Hargeysa Safar ku gaaraan toddobaadka dambe.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Safarkaan labadan mas’uul ayaa la sheegay inuu ka dhashay kulankii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Addis Ababa ee qaatay halka saac oo ay yeesheen Mr.Farmaajo iyo Mr.Biixi.

Xogtaan ayaa Aarka Diinah blogs u sheegtay in Mr.Farmaajo uu aqbalay Heshiiski Dekeda Berbera oo ay Saamileyda ku ahaayeen Ethiopia iyo UAE, safarkaasi ayaan lagala tashan Golayaasha Sharciga dejinta iyo Xisbiyada Mucaaradka, halka Maamulka Hargeysa la filaayo in Golayaashoodu ay ka doodaan safarka labada nin maalmaha soo socda.

Lama oga sida ay suura gal ku noqon karto kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi, iyadoo ay noqoneyso markii u horeysay oo madaxweyne Soomaaliyeed uu ka dago Hargeysa, xili Somalialnd ay sheegato iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

17220cookie-checkMa Dhabaa In Abiy Iyo Farmaajo Ay Hargeysa..