Qoraal uu Bartiisa Twitter-ka soo Dhigay Abiy Axmed Oo Dood ka Dhex Abuurtay Soomaalida

Africa News Somalia news

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Ra’isul wasaaraha Dowladda Ethiopia Mr.Abiy Axmed Ali ayaa dood xoogan iyo fal celin balaaran ka dhalatay, iyadoo Qoraalkaan oo Af -Soomaali ah ayaa micno weyn sameeyay…

Qoraalkaas oo la socday sawirka Abiy Ahmed oo ay dhinacyada ka fadhiyaan Xasan Sheekh iyo Farmaajo xafladdii caleemo-saarka ee daraad dhacday ,ayuu Abiy ku yidhi “Waxaan u rajaynayaa Shacabka Soomaaliya nabad waarta iyo barwaaqo!”

Arrinta hadal haynta abuurtay ayaa ah in Abiy Ahmed aanu odhan “Shacabka Soomaaliyeed” ee uu doortay “Shacabka Soomaaliya.”, Maxamuud Axmed oo ka mid ah dadkii ka falceliyey ayaa yidhi “Shacabka Soomaaliyeed, haddii uu dhaho Jigjiga ayuu Xamar hoos gaynayaa, taas ayuu marka diidan yahay.”

Sababta uu sidaas u doortay ayaa lagu macneeyey in haddii uu qaadan lahaa “Shacabka Soomaaliyeed” ay soo geli lahaayeen kuwa ku nool Ethiopia ee degan dhulka Soomaalida ee ay Ethiopia haysato, sidaas darteedna uu doortay “Shacabka Soomaaliya”, isaga oo diraya farriin ah in Xasan Sheekh uu Madaxweyne u yahay kaliya Konfurta & Waqooyiga.

194220cookie-checkQoraal uu Bartiisa Twitter-ka soo Dhigay Abiy Axmed Oo Dood ka Dhex Abuurtay Soomaalida
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com