Ma Dhabaa In Ciidamo Ka Soo Baxeen Xerada Saliini..

World

Wararkii ugu dambeeyay ee Weerarada safka balaaran ee Maleeshiyaadka Shabaabka ku qaaday qeybo badan oo ka mid ah Sh/Hoose, gaar ahaan degmada Qoryooley, degaanka Ceel-Saliini iyo Xerada Kooxda Haramcad.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in shalay ay dib uga soo baxeen Ciidamo ka tirsan Urur degenaa degaanka Saliini uuna Madax u ahaa Horjooge Xasan Jaamici, Ciidamadaan oo tiradoodu lagu qiyaasay 250-300 Dabley kuwaasoo soo shalay galab soo galay Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa ku eedeeyay Maamulka Ciidamada iyo Kuwa Farmaajo iney ka gaabiyeen iney xuquuqdoodii dhanka gunnada iyo Saadka laga jartay, muddana ay wadeen cabashadooda balse Maamulka uu ka gaabiyay inuu Xaliyo.

Maxaa isku xiray Ciidamada ka soo baxay iyo Weerarka Shabaabka:-

Waxaan shaki ku jirin in Kooxda Shabaabka ay unugyo Kabashad sirdoon ay ku dhex leeyihiin Qeybaha Dowlada gaar ahaan Sirdoonada iyo Ciidamada, kuwaasoo si hordhac ah ugu sheega isbedelada Xeryaha Ciidamada iyo hadiiba ay jiraan khilaafyo iyo tabasho.

Dagaalada Saakay, Waxaa la sheegay in xerada Saliini uu ahaa kii ugu kharaasaha badnaa, iyadoo warar hordhac ah ay sheegayaan in dhimashada ay kor u dhaafeyso 70- Askari, iyadoo 30- ka mid ahi Askartaasi ay ka soo jeeda Beelaha Habar gidir, Taliyaha Xerada Xasan Jaamici ayaa la sheegay inuu soo gaaray Dhaawac culus.

Wararka ayaa sheegaya in Gurmad Ciidan iyo Maleeshiyaad beeleedyo abaabulan ay ka baxeen Xerada Guulwadayaasha ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Maamulka Farmaajo ay ka gaabiyeen iney u gurmadaan Ciidamadaasi oo muddo saacado badan dagaalo la galeen Kooxda Shabaabka.

la soco wixii ku soo kordha.

17720cookie-checkMa Dhabaa In Ciidamo Ka Soo Baxeen Xerada Saliini..