Ma Dhabaa in Koox Dalxiisayaal Dalka Italia u Dhashay ay ku xayiran yihiin Jasiiradda Socotra ee Yemen..

World

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Koox Dalxiisayaal ah oo u dhasheen Dalka Italy ay ku xayiran yihiin Jasiirada Suqadara ee Dalka, kadib markii Diyaaradii qaadi laheyd ay joojisay Duulimaadkii qorsheysnaa kaasoo Todobaadkiiba hal mar ku tegi jirtay Jasiirada sababo amaan awgeed…

Wararka ayaa sheegaya in Kooxdaan Dalxiisayaasha oo tiradoodu lagu qoyaasay 15-Dalxiise ayaa intooda badan ka soo jeeda Gobolka Veneto, ayaa muddo ku xayiran Jasiirada, iyadoo Maamulka Shirkada Diyaarada Air Arabia ay ku wargelisay in Kooxdaani ineysan soo qaadi karon xiligaan sababo Amaan, waxaana loo sheegay in 5-ta May (maanta) laga yaabo iney Duulimaad u qorsheyaan.

Xafiiska u qaabilsan gargaar u fidinta Muwaadiniinta Italianiga ee Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Maamulka Rome ayaa sheegay iney 15-Feb-2015-kii ay ku wargeliyern Muwaadiniintooda in aan Dalxiis ahaan Dalka Yemen loo tegi karin sababo laxiriira dagaalka ka socda, inkastoo ay iska dhega tireen baaqyadaasi, waxaa kaloo shaki laga muyjiyay sida ay Dowladda UAE ugu oggolaatay Diyaarada iney ka degto Jasiiradaasi.

325080cookie-checkMa Dhabaa in Koox Dalxiisayaal Dalka Italia u Dhashay ay ku xayiran yihiin Jasiiradda Socotra ee Yemen..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *