Share the post "Ma Dhabaa in Dowladda Federaalka ay Hakisay Duulimaadyadii Diyaaradaha ee Kismaayo.."
Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Saraakiisha Hey’adda Duulista iyo Hawada ay amar ku siiyeen Shirkadaha Diyaaradaha ee Duulimaadyada ku tegi jiray magaalada Kismaayo iney hakiyaan, talaabadaan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay weli ay ka sii dareyso xiisada ee u dhexeyso labada dhinac…
Wararka ayaa sheegaya in lagu wargeliyay Shirkadaha Diyaaradaha lasiiyay amaro ah in aysan ka dagi karin Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo marka ay ka baxayaan magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, Amarkaan ayaa wax saameyn ah ku laheyn Duulimaadyada Mogadishu-Kismaayo, wuxuuna Amarkasn sii kala fogeynayaa xiisada labada daraf.
Inkastoo Maamulka Jubbaland uu soo saaray Amaro lagu joojinaayo diyaaradaha ka dega Garoonka Macmalka ah ee Degaanka Raskambooni, hadana waxaa shalay ka degay 3-Diyaaradood oo u kireysan Wasaarada Gaashandhigga Dowlada Federaalka kuwaasoo siday Ciidamo iyo Saad hor leh, iyadoo Dowlada Federaalka ku daadgureysay degaankaasi ilaa 1200-Askari.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in laga yaabo in Maalmaha soo socda uu Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka uu Kormeer ku tago Degaanka Raakambooni iyo Degmada Badhaadhe oo ka tirsan Gobolka Jubada hoose, hadii uu qorshahaani uu fulo waxey dib u dhac ku keeni doontaa Hogaanka Jubbaland oo dhawaan isku caano shubay inuu xilka Maamulka sii heysan doono.