Maxaa Ka Dhab Ah In Tiro Gudoomiyayaal Ah Ay Qax Ka Yihiin Caasimada

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa si hoose ugu sheegay Warsidaha Diinah.con news in tiro Gudoomiyayaal ah oo ka tirsan kuwa Gobolka Benadir ay qax ka yihiin xilalka ay hayaan kadib markii ay soo food saartay Cabsi amni iyo xasilooni la’aan xagga shaqada…

Xuuraankaan ayaa sheegaaya in Gudoomiyayaasha degmooyinka Xamar Weyne, Shangaani, Howl-wadaag, Shibis, Cabdicasiis, Waabari, Heliwaa iyo qaar kale ay isku diyaariyeen iney ka qaxaan xilalka ay hayaan, waxaana la sheegay iney safar u yihiin dalka Turkiga, islamarkaana ay qaateen fasaxyo gaaban.

Talaabadaan ayaa ka dambeysay kadib markii dhowaan si bareer ah Maleeshiyaad ka amar qaata Villa Somalia ay si bareer ah u dileen Gudoomiyihii Degmada Hodan, dilkaasi ayaa la la xiriiriyay Xiisadaha beeleed ee u dhaxeeya Beesha Mareexaan Ee Madaxweynaha iyo Beesha Ceyr ee Habar gidir kana aloosan Degaanka Balanbale iyo Tuulada Cali Xasan.

Sidoo kale Gudoomiyayaasha Degmooyinka kor ku xusan ayaa si hoose u qiray in amaankooda uu dayacan yahay, Maamulka Gobolada Benadir uu dhegaha ka fureystay baaqyo iyo cabasho badan oo ay u gudbiyeen si loo sugo amaankooda, isla markaasna Xoogaga Hubeysan ee Madaxtooyada iyo NISA ay amarada ka qaataan.

90170cookie-checkMaxaa Ka Dhab Ah In Tiro Gudoomiyayaal Ah Ay Qax Ka Yihiin Caasimada