Ma Dhabaa in Ergooyin ka kala socda Kooxaha Shababka & Xuutiyiinta ay Gaareen Sanca iyo Somalia..

Security Somalia news World

Kadib markii ay soo shaac baxeen xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa Kooxaha Xuutiyiinta iyo Shababka, ayaa Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in kooxaha kor ku xusan ay wada shaqeyntoodii korortay, iyadoo sidoo kale la sheegay in ergo labada dhinac ay safaro ku kala taageen Somalia iyo Yemen…

Sida laga soo xigtay Pentagon-ka, Xuutiyiinta ayaa isku dayaya iney Horjoogayasha kooxsa Shabaabka ku siiyaan tiro diyaarado aan duuliye lahayn (Drones) iyo Saanad Iyo Hub casri ah si ay uga qeyb qaataan weerarada lagu hayo Maraakiibta Maraykanka, UK & Israel ee mara Badweynta India iyo Badda cas.

Dhaqdhaqaaqyadaan ayaa culeys ku saaraya in Dowladaha USA & UK iney marka hore xal waara u helaan khilaafka u dhaxeeya Somalia & Ethiopia, kaasoo xagal daacin kara Dagaalka lagula jiro Kooxaha Shababka iyo Xuutiyiinta, isla markaasna Geeska Africa ka dhigi kara dagaal lagu hoobto oo Saameyn ku yeesha Dalal dano ka leh Bariga Africa.

334550cookie-checkMa Dhabaa in Ergooyin ka kala socda Kooxaha Shababka & Xuutiyiinta ay Gaareen Sanca iyo Somalia..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *