Duqeyn Culus Oo Maalintii 4-aad Lagu Weeraray Degaanka Maasjid Cali Guduud

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in duqeyn culus ay maalintii 4-aad ku hayan Diyaaradaha Qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha laheyn (Drones) degaanka Masaajid Cali Guduud iyo nawaaxiga, kuwaasoo weli ay ku sugan yihiin maleshiyaadka kooxda Argagixisada Shababka…

Wararka sheegay in maalmihii ugu dambeeyay uu dagaalku ku koobnaa duqeyn, kadib markii ay dib uga gurteen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Beelaha, kuwaasoo saacado kooban qabsaday maalintii Sabtida aheyd, balse dagaal rogaal celis ah looga saaray. Afhayeenka Hirshabelle ayaa sheegay in Kooxda Argagixisada ay dhufeysyo ka qoteen gudaha iyo daafaha magaalada.

Khubarada Arrimaha Amaanka ayaa sheegay in ahmiyada degaankan u leeyahay kooxdani ay horseeday iney xooga saaraan, isla markaasna iskugu keenaan Maleeshiyaad tiro bada iyo gaadiid dagaal, iyadoo Beesha degaanku intooda badan ay taageersan yihiin kooxdani qeybna ay ka yihiin dagaalka.

Sareeye ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa dhaliilay qaabka loo agaasimay Duulaanka, wuxuuna ku eedeeyay Mas’uuliyiinta Hogaanka u heysa gulufkaan iney iska dhego tireen Talooyin iyo Qorshe dagaal oo hab Stratejiyad ku dhisan, taasoo laga dhaxlay is-dhex yaac iyo in dib looga soo gurto si habqan ah, Wuxuuna kula taliyay Madaxda Dowlada iney ilgaar ah ku eegaan qorshaha dagaalka.

220900cookie-checkDuqeyn Culus Oo Maalintii 4-aad Lagu Weeraray Degaanka Maasjid Cali Guduud