Ma Dhabaa in Ganacsatada Xoolaha Dhoofinta Somalia ay Suuq Cusub ka Heleen Egypt..

Africa News Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dalka Egypt oo horey ugu tirsanaa Xoolaha laga soo dhoofiyo Dalka Sudan oo xiligaan dagaalo sokeeye la degeen ayaa haatan go’aansadeen iney si bile ah Noocyada Ariga iyo Idaha uga soo dhoofsan doonaan Dalka Djibouti iyo Somalia si ay ula tacaasho hilib yaraanta ka taagan Dalka..

Wararka ayaa sheegaya in bilihii ugu dambeeyay qiimaha Hilibka Dalka Masar uu ka gaaray inta u dhaxeysa Halkii Kiilo $4,15-$4,77, Baahidaan ayaa sababtay sare u kaca in Shacbiga Dalkaasi ay ku riixday iney cunaan Hilibka Lo’da, ku darsoo waxaa la sheegay in Tirada Dalxiisayaasha booqda Dalkaasi oo korortay ay qeyb ka noqdeen dalabyada Noocyada Hilibka.

Dalka Masar ayaa qorsheynaaya iney Somalia & Djibouti ka soo dhoofsan doonaan Bishii xoolo lagu qiyaasay 15,000-24,000 oo isugu jira Aru iyo Ido, kuwaasoo si KMG ah loo geyn doono degaanka Safaga ee Dalka Masar si baaris loogu sameeyo Caafimaad qabka Xoolaha inta aan Suuqyada Gowraca loo gudbin, go’aankaan ayaa aad looga soo dhaweeyay Dalalka Djibouti iyo Somalia.

Ku tirsanaanta Xoolaha Somalia iyo Djibouti ee dhoofinta Xoolaha ayaa calaamad u ah isbedelka muuqda ee ku yimid Istraateejiyada Dalka Egypt ee wax soo dejinta, iyagoo markii hore diirada saaray Dalka deriska la’ah ee Sudan, ayaan darrase Dagaalada Sokeeye ee Sudan ayaa hakad xoogan geliyay Ganacsigii u dhaxeeyay labada Dal, iyadoo fursad cusub oo ganacsi helay Xoolaha Djibouti iyo Somalia.

338390cookie-checkMa Dhabaa in Ganacsatada Xoolaha Dhoofinta Somalia ay Suuq Cusub ka Heleen Egypt..