Somalia Oo U Yeeratay Safiirkeeda Kenya

Somalia news

Maamulka Farmaajo ayaa u yeertay Danjiraha Somalia Ee Kenya Mr.Tarsan, iyadoo loogu baaqay Danjiraha Kenya inuu la-tashi uu dalkiisa dib ugu laabtay, Qoraal uu ka akhriyay Tv-ga Dowladda Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha Dibeda Somalia Mr.Max’ed Ali Nur…

Bayaankaan ayaa lagu Eedeeyay Dowladda Kenya iney fara gelin ku heyso Arrimaha Gudaha gaar ahaan Maamulka Jubbaland Ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Axmed Madoobe, si uu u fuliyo qorshaheeda ku aadan faragelinta iyo carqaladeynta Heshiiskii siyaasadeed Ee doorashooyinka oo ay wada gaareen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Kuwa Maamulada.

War-saxaafadeedka ayaa ku qornaa Luqad adag, iyadoo lagu Eedeeyay Dowladda Kenya in dhaqamadeeda yihiin “kuwo ka baxsan curfiga diblomaasiyadeed Ee dalal ka dhaxeeyo dano iyo darisnimo”, waana dhaqan ka baxsan axdiyada iyo heshiisyada ayaa lagu sheegay bayaanka.

Ilo wareedyo ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Labada Safiir (Somalia Iyo Kenya), ay kala joogaan Muqdishu iyo Nairobi, inkastoo ay aarka Dowladda soo saartay, Danjiraha Kenya Mr.Lukas Tumbo ayaa shalay ka dhoofay Magaalada Muqdishu.

Muqdishu iyo Nairobi ayaa xiriirkoodu hagaagsaneyn intii uu xilka qabtay Mr.Farmaajo, inkastoo uu hakiyay Dacwada Badda, wuxuuse joojiyay Qaadkii Kenya ka imaan jiray, isagoo fasaxay Qaadka Ethiopia, waana qodobada xudunta u ah is-mariwaaga labada Dowladood.

75710cookie-checkSomalia Oo U Yeeratay Safiirkeeda Kenya